Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi ayaa umagacaabey agaasimaha xarunta dhexe ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan Ibraahim cartan,xilkan waxa hore uhayey xildhibaan Jamaal Aadan diirey oo imika ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada somaliland.
Xil ka qaadista ayaa timid ka dib markii Jamaal Aadan Diiriye oo ka mid ah xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga waddani uu kulan la yeeshay Madaxweynaha somaliland muuse Biixi cabdi.