Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa warqad uu u soo diray dhigiisa wadanka Pakistaan Imran Khan ugu hambalyeeyay maalinka sanadlaha ah ee 23 march oo ku beegan heshiiskii Lahore kaas oo ku beegan xurnimada dalkaasi Pakistan 1940-kii.
Ra’iisul wasaare Modi waxaa uu Daboolka ka qaaday sida dowladdisu ay u doonayso xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan dawladda Ay Dariska yihiin ee Pakistan.
Saraakiil Magacyadooda la xusin ayaa la sheegay in ay warkan u Gudbiyeen Qaar kamid ah warbaahinta caalamka .
Labadan waddan ayaa ah Kuwo haysta hubka sida xun wax u gumaada ee Nuclear_ka Isla markaana waxaa ka dhex jira cadaawad soo jireen ah .
Arrinkantan ayaa imanaysa iyadoo muddoiyinkii ugu danbeeyay ay Jiraan dhaqdhaqaaqyo ay ka muuqato isku soo dhawaansho ay toddobaadyadii u dambeeyay ay samaynayaan Labada waddan.
By:Jim’ale ismail