DAWLADA TURKIGA OO MUUJISAY SIDA AY UGA WALAACSANTAHAY DOORASHOOYINKA SOMALIYA EE AAN WALI XAL LAGA GAADHIN.

0
189

War Saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dawladda Turkiga ay ka walaacsan tahay in aan heshiis laga gaadhin Dadaaladii doorashooyinka dalka Soomaaliya.

qoraalkan lagu yidhi; “Waxaan ka walaacsannahay in dhinacyadu weli ayna gaadhin heshiis ku saabsan geedi socodka doorashada Soomaaliya, iyo in rejada dadka Soomaaliyeed ee ah inay gaadhaan nabad iyo barwaaqo la carqaladeynayo”.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay wada hadlaan, wax walibana Ay Dhameeyaan , iyagoo kuna salaynaya heshiskuu 17-kii September 2020. “Waxaan mar kale ku boorineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah oo ku salaysan is afgaradkii la gaadhay 17kii Sebtember 2020, isla markaana xoogga la saaro muhiimadda ay leedahay doorasho aan dib u dhac laheyn. Ugu dambeyntii dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taagerada ay siiso dawladda federalka ah; ”

By:Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here