IRAN IYO SHIINAHA OO KALA SAXEEXDAY HESHIIS CAALAMI AH OO MUDDO SOCON DOONA.

0
159

Iran iyo Shiinaha ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi ganacsi iyo istiraatiijiyadeed oo jiri doono muddo 25, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saciid Khatibzadeh.

Khatibzadeh ayaa ku sheegay hadal uu siiyay telefishanka qaranka in saxeexa heshiiskan u dhacay intii lagu guda jiray booqashada Wasiirka Arimaha Dibada ee Shiinaha Wang Yi, oo tagay fiidnimadii Jimcaha caasimadda Dalka iran eeTehran, isagoo xusay in heshiiska uu leeyahay dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed. Wuxuu sharraxay in heshiiska uu diiradda saarayo dhaqaalaha iyo in Iran ay qab ka noqonto mashruuc ballaadhan oo uu Shiinuhu ka hirgelinayo Aasiya, Yurub iyo Afrika.

Sarkaalkan reer Iran ayaa tilmaamay in heshiiskani uu salka ku hayo booqashadii uu Madaxweynaha Shiinuhu uu ku tagay Tehran bishii Janaury 2016, Markaas oo labada madaxweyne isla qaateen in la xoojiyo xidhiidhka labada waddan.

By:Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here