DAWLADA SOMALIA OO SHEEGTAY IN DIYAAR U TAHAY WADAHADAL KASTA OO LAGU DHAMAYNAYO ARIMAHA DOORASHADA.

0
150

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u xaqiijinayso inay dawladda federaalku ay mar walba diyaar u tahay in xal laga gaadho arrimaha cakiran ee doorashooyinka iyo in ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo qayb ka ah arrimaha doorashada. Raysal wasaare Maxamamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay xubno ka socda beesha caalamka ayaa hadalkaan sheegay isagoo intaa ku daray in gogasha wadahadalku ay mar walba furantahay.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dawladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xidhiidhay ee hore loo gaadhay, wadahadalna lagu xalliyo madmadawga jira” ayuu yidhi Raysal wasaare Rooble. Dalwadda Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqaday madaxda Maamul Goballeedyada ee ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee arrimamaha doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

By: Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here