Ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo dhanka amniga ah, iyaga oo si buuxda u go’doomiyey kooxo burcad-badeed ah oo gacanta ku haya laba markab oo lagu kala magacaabo Honour 25 iyo Sward.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu yahay mid qorsheysan oo looga hortagayo dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda iyo in la joojiyo sahay kasta oo gaarta kooxahaas.
Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in ciidamada dhulka ay si gaar ah u xireen marinadii sahayda iyo isku socodka, taasoo keentay in kooxaha burcad-badeedda ah ay la kulmaan cadaadis xooggan. Sidoo kale, waxaa la adkeeyey ilaalinta xeebaha si looga hortago in hub iyo dagaalyahanno cusub ay ku biiraan kooxaha markabada haysta.
Markabka Honour 25, oo hore loogu haystay xeebaha degmada Banderbayla, ayaa la soo sheegayaa in loo dhaqaajiyey dhanka gobolka Nugaal, halkaas oo uu weli ku sugan yahay xaalad go’doon ah.
Dhanka kale, markabka Sward oo markii hore ku sugnaa aagga Garacad ayaa loo raray xeebaha Galmudug, iyadoo dhaq-dhaqaaqyadan loo arko isku day ay kooxaha burcad-badeedda ahi ku doonayaan inay kaga baxsadaan cadaadiska ciidamada.
