Waaxda Socdaalka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan ayaa soo saartay xayiraad horleh

0
181

UK si looga hortago faafiaanka Xannuunka Covid-19.

UK ayaa sheegtay in “liiska Cas” ee fiirada gaarka ah loo yeelanayo Dadka soo maray ay ku darsameen Philippines, Pakistan, Kenya & Bangladesh, Dadka ka socdaala waxa ay geli doonan 10-Cishe oo karaantiil ah kahor inta aysan safarkooda sii wadan.

Amarkaan ayaa dhaqangaya 9-ka April 2021, waxaana “Liiska Cas” loo geliyay in laga feejignaado kiisaska ku kordhay Dalalkooda ee fayruska Corona si looga gaashaanto nuuc cusub oo gaara Boqortooyada Ingiriiska.

Waaxda Socdaalka qaabilsan ee UK (DFT) ayaa sheegtay in liiskaan oo horay loo geliyay Dalalka Koofur Afrika & Brazil in afartaan dal cusub la hubin doono musaafuriinta ka socdaasha muddo 10-Cishe ah oo la heynayo si hubsiimo caafimaad oo xili huuris ah loo mariyo.

“Muwaadiniinta British & Irish waa in ay qaataan amarkaan, marka ay socdaal yihiin waa in lala socdaa xaaladdooda caafimaad, waala baarayaa muddo labo cishe ah, waxaana dib loo baarayaa 8-cishe kadib, haddii laga waayo cudurka waala fasaxaa balse haddii laga helo waala heynayaa inta laga xaqiijinayo in jirkooda uu ka baxay Fayruska” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka.

Qaar kamid ah Dalalka Yurub ayaa xayiraad safar & karaantiil 14-Cishe ah gelinaya rakaabka tagaya Ingiriiska waxaana Dowladahaas kamid ah Jarmalka kadib markii UK ay shaacisay nuuc cusub oo ah Coronavirus.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here