Jaamac Doolaal oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland oo 11-kii bishii April 2021 ay xukun ku riday Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa Maanta oo khamiis ah xabsiga laga siiyay.
Gabar uu dhalay Saraalka oo magacaabo Ubax Doolaal ayaa warbaahinta u xaqiijisay in Aabaheed oo Maxkamadda Somaliland ku xukuntay 2 sanno oo xabsi Ciidan laga sii daayay xabsiga uu uga xirnaa Magaalada Hargeysa.
Sarkaalka ayaa waxaa Maxkamadda ay ku heshay dembi ah inuu kal hore xiriir wicitaan la sameeyay qof ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, isla markaana uu kala hadlay Arrimo ku aadan qoys iyo kuwo kale oo gaar ahaa.
Maxkamadda Ciidamada ayaa tallaada xiriirka uu sameeyay Korneyl Jaamac ku tilmaamtay demi, waxaana Maxkamadda ay Sarkaalka ku riday xukun ah laba sanno oo xabsi Ciidan xiligaas, balse Maanta lasii daayay.
Bilowgii bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ka dhacay banaanbaxyo looga horjeeday Go’aanka ay Maxkamadda Somaliland ku xukuntay Jaamac Doolaal oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga.
Somliland ayaa horey xukuno kala duwan ugu riday dad ku sugan halkaas oo xiriir la sameeyay dad kale oo jooga Caasimadda dalka Muqdisho iyo kuwo kale oo ka tegay oo gaaray halkaas oo ay ku jiraan fanaaniin iyo xubno kale.