Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle ay maalmaha soo socda ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow labada mas’uul ayaa xaqiijiyay in safarkooda uu salka ku hayo sidii ay taageero siyaasadeed ugu muujin lahaayeen musharraxa madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wararku waxay tilmaamayaan in kulamo gaar gaar ah iyo wadatashiyo ay la yeelan doonaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Baydhabo.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in socdaalkan uu yahay mid qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo ololaha siyaasadeed ee Shariif Xasan, xilli ay sii kordhayaan tartamayaasha u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.
Cumar Cabdirashid, Daahir Geelle iyo Shariif Xasan ayaa hore uga mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaliilsanaa dowladda federaalka, gaar ahaan madaxtooyada Villa Somalia, balse ay dib ula heshiiyeen dowladda dhexe, inkastoo ilo-wareedyadu tilmaamayaan in heshiiskaas uusan u horseedin faa’iido muuqata oo dhinacooda ah.
