Wadahadalladii La Sugayay oo Hakad Galay: Shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh oo Fashil u Sii Jeeda”

1 minute, 32 seconds Read

Waxaa fashil ku dhow gogoshii wadatashiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka, taas oo lagu waday inay qabsoonto 10-ka bishan May.

 

Inkastoo weli aysan si rasmi ah uga jawaabin casuumaadda Madaxweynaha mucaaradka, haddana waxaa isa soo taraya calaamado muujinaya in kulankaasi uusan u dhici doonin sidii loo qorsheeyay. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu 9-ka May u safro dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay, Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu inta u dhaxaysa 10-ka ilaa 12-ka May ka qeyb galo shir madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safarradan is xiga ayaa si weyn u wiiqaya suuragalnimada qabsoomidda gogoshii uu horay ugu baaqay.

 

Ilaa iyo hadda, Villa Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqan doono shirka Nairobi si uu mudnaan u siiyo wadahadallada mucaaradka, balse haddii uu ka qeyb galo shirkaasi, waxaa muuqata in gogoshii la iclaamiyay ay dib u dhac weyn la kulmi karto ama gebi ahaanba fashilmi karto.

 

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay u badan tahay inay qaadacaan ka qeyb galka gogosha, iyagoo ku eedeynaya Madaxweynaha inuu qaaday tallaabooyin la xiriira arrimaha doorashooyinka oo aysan ku qanacsaneyn, isla markaana uu ka dhega adeegay dalabaad ay horay u gudbiyeen.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *