Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la shaacin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan Gudaha Magaalooyinka Kenya.
Ciidanka Maraykanka uu u dirayo Kenya ayaa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qaadista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro gaadma ah ka geystaan Al-Shabaab.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Mareykanka ayaa Saldhigyo Ciidan ku leh Gacan-biyoodka Manda Bay ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya, waxaana bishii Janaayo 5-dii ee sanadkii 2020-kii weerar ku qaaday Al-shabaab.
Weerarka ayaa waxaa lagu dilay 3 Mareykan, halka 3 kalena lagu dhaawacay, iyadoo la guday 6 Diyaaradood isugu jiray Helikoptaro iyo kuwa wax lagu basaaso iyo Gaadiid kale oo yaallay Saldhigaasi.