Monday, May 20, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynayaasha Turkiga iyo israa'iil oo khadka telefoonka ku wada Hadley +sababta.

Madaxweynayaasha Turkiga iyo israa’iil oo khadka telefoonka ku wada Hadley +sababta.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa la hadlay dhigiisa cusub ee Israel Isaac Herzog, taasi oo calaamad u ah sida ay suuragal tahay in uu wada hadal  dhexmaro labada xulufo sanado badan ka dib oo xidhiidh qabow uu ka dhaxeeyay.
Wadahadalada dhif iyo naadirka ah ee udhaxeeya labada dal Isniintii ayaa yimid kadib markii Erdogan, oo ah nin aad ugu ololeeya qadiyada Falastiin mudadii 18 sano ee uu xukunka hayey, uu wadahadal la yeeshay Sabtidii Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas. Sharciga qallafsan ee Israa’iil u adeegsatay inay ku xado dhulka Falastiin Jordan. Kulanka oo saacado socday Erdogan wuxuu u sheegay Cabaas in Turkigu “uusan ka aamusi doonin cadaadiska Israa’iil ay ku hayso Falastiin”. sida laga soo xigtay madaxtooyada Turkiga.

Israel iyo Turkiga ayaa mar ahaan jiray saaxiibo dhow gobolka laakiin dhiidhka labada dal ayaa xumaaday 10-kii sano ee la soo dhaafay. Dowladda Turkiga ayaa si joogta ah u dhaleeceysa siyaasadaha Israel ee ku wajahan Falastiiniyiinta. Si kastaba ha noqotee, intii lagu jiray wicitaankiisii ​​Herzog,” Erdogan wuxuu xoojiyay muhiimadda weynee xidhiidhka Turkiga iyo Israel ee amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe” madaxweynaha Turkiga. Erdogan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Turkigu xooga saarayo sii wadida wada hadalka inkasta oo ay ku kala duwan yihiin fikradaha, ayaa lagu daray hadal uu soo saaray. Madaxtooyada Turkiga waxay sheegtay inay jirto karti xoog leh oo iskaashi oo dhexmara labada dal dhinacyada tamarta, dalxiiska iyo tikniyoolajiyadda. Sida lagu sheegay  sidoo kale bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Israa’iil, Herzog iyo Erdogan waxay yidhaaheen “wadahadalka socda inkasta oo dhammaan kala duwanaanshaha fikradaha” ay muhiim ahayd, gaar ahaan sii wadida tillaabooyinka loo qaadayo xalka laba-dowladood ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Herzog wuxuu xafiiska la wareegay usbuucii la soo dhaafay ka dib markii ay doorteen Knesset, baarlamaanka Israel, codbixin bishii Juun. Wuxuu la hadlay Sabtidii Boqorka Jordan ee dariska la ah King Abdullah II kadib markii Israel iyo Jordan ay ku heshiiyeen in la bilaabo wadahadalo ku saabsan iibinta biyaha ee boqortooyada Hashemite..

RELATED ARTICLES

Maxay ka dhigan tahay tallaabada deg deg ee Itoobiya ay qaaday kadib amarkii DF?

Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaas u jooga Somaliland. Madaxweynaha...

Soomaaliya, oo war kasoo saartay geerida Raisi, dhambaalna u dirtay IRAN

Dowladda, federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda Iran iyo shacabkeedaba kadib uun markii la xaqiijiyay geerida madaxweyne Ibraahim Raisi iyo masuuliyiin...