Kooxo Hubeysan oo dhacay Gaari iyo Hub uu watay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Laftagareen

0 minutes, 57 seconds Read

Maamulka Degmada Waajid oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmada Mohamed Moallim Yuusuf ayaa si adag u cambaareeyay fal sharci darro ah oo isugu jiray dhac, boob iyo handadaad hubeysan oo loo geystay gaari noociisu yahay Bolt, iyadoo sidoo kale lagu beegsaday shaqsiyaad rayid ah.

 

Qoraal kasoo baxay maamulka degmada ayaa lagu sheegay in falkan uu yahay mid ka baxsan anshaxa bulshada, amniga iyo nidaamka dowladnimada, isla markaana uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda iyo kala dambeynta degmada.

 

Guddoomiyaha degmada ayaa xusay in maamulka uusan marnaba aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo cabsi gelin iyo qalqal amni ku abuuraya bulshada deegaanka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhacdadan ay tahay mid u baahan in si degdeg ah looga jawaabo si loo ilaaliyo amniga shacabka iyo xasiloonida degmada.

 

Maamulka Degmada Waajid ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee kala duwan inay ka fogaadaan tallaabooyin ama falal keeni kara cawaaqib xumo iyo xaalado dhaawici kara kalsoonida shacabka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

 

Sidoo kale maamulka ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda iyo wada noolaanshaha, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, kala dambeynta iyo xasilloonida degmada.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *