Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo uu sheegay in dalka wajahayo, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda hadda jirta.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu ku sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo xasillooni darro, isaga oo ugu baaqay madaxda dowladda inay ilaaliyaan dastuurka, wadajirka shacabka, iyo hanaanka dowladnimada.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in hubanti la’aanta siyaasadeed ee jirta ay khatar ku tahay mustaqbalka dalka, isaga oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuna tilmaamay inuu masuul ka noqon karo xaalad kasta oo siyaasadeed oo kasoo baxda muranka taagan.
Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka, iyadoo qaar kamid ah mucaaradka ay muujiyeen walaac la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.May be an image of saxophone and text
