Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay eedeymaha loo jeedinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan caburinta saxaafadda, xarigga wariyeyaasha iyo aamusinta codadka soo bandhigaya cabashooyinka shacabka, gaar ahaan kuwa la xiriira dhulboobka, barakicinta iyo musuqmaasuqa ka jira magaalada Muqdisho.
24-kii saac ee lasoo dhaafay oo keliya waxaa la xiray tiro wariyeyaal iyo dhalinyaro ah, kuwaas oo qaarkood lagu qabtay waddooyinka xilli ay ku sii jeedeen guryahooda, halka kuwo kale loo xiray tabinta wararka ku saabsan barakicinta iyo boobka dhulalka shacabka ee ka socda degmooyinka Xamarjajab iyo Deyniile.
Xarigyadaas ayaa kusoo aadaya xilli ay horey u jireen digniino badan oo laga bixiyay xaaladda sii xumaaneysa ee xorriyadda hadalka dalka.
Waxaa la xiray 24 saac ee lasoo dhaafay wariyeyaal ka tirsan telefishannada Goobjoog Shabeelle iyo Kalsan oo kala ah Rowdo Xasan Taakilo, Shukri Caabi Cabdi, Jacfar Maxamed Jimcaale, Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow iyo Nuur Xasan Cali, kuwaas oo la sheegay in loo beegsaday tabinta arrimaha dhulalka iyo barakicinta shacabka.
Dhalinyarada la xiray waxaa ka mkd ah , Xamdi Cabdi Caddoow, Cabdixamiid Cabdikariim Xuseen, Cabdixakiim Muxudiin Sheekh Cali iyo Muscab Mire Indhayare.
Arrinta ugu walaaca badan ayaa ah in sanadkii hore oo keliya gudaha Muqdisho lagu xiray ku dhawaad 200 oo wariye, sida ay sheegayaan ilo saxaafadeed iyo ururro u dooda xorriyadda warbaahinta.
Inta badan xarigyadaas waxay la xiriireen warbixinno ku saabsan dhulboobka, barakicinta dadka danyarta ah iyo musuqmaasuqa lagu eedeeyo masuuliyiin dowladda ka tirsan.
Tani waxay muujineysay in dowladda Federaalka aysan u dulqaadan karin wararka bannaanka keenaya cabashooyinka shacabka iyo arrimaha xasaasiga ah ee saameynta ku leh bulshada.
Halkii laga sugi lahaa inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda oo dastuurku dammaanad qaaday, dowladda ayaa u muuqata mid awood ciidan ku maquunineysa wariyeyaasha iyo dhalinyarada hadasha.
Waxaa sii xoogeysanaya eedeymaha sheegaya in hay’adaha amniga loo adeegsanayo dano siyaasadeed iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu hayo warbaahinta madaxbannaan.
Wariyeyaasha ka shaqeeya tabinta arrimaha dhulka ayaa si gaar ah wajahaya hanjabaado, xarig iyo afduub, taasoo abuurtay jawi cabsi leh oo saxaafaddu ku shaqeyneyso.
Dad badan ayaa isweydiinaya sababta dowladda uga carooneyso in la baahiyo dhibaatada shacabka laga sheeganayo.
