Sheekh Shariif Oo Si Kulul Uga Jawaabay Xasan: hadduu dhaho waan ku darsaday waa tuu ku dhiman lahaa”

1 minute, 2 seconds Read

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga la xiriira dowladda Federaalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in shacabka lagu qanciyo muddo kororsi ama waqti dheeraad ah oo loo sameeyo Madaxweynaha, isagoo xusay in xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ay sii adkaan karto haddii tallaabooyin aan heshiis lagu ahayn la qaado.

“Xasan waqti bilo haloogu daro haddii la dhaho dadka ayaaba na dilaya, marka Xasan hadduu dhaho waan ku darsaday waa tuu ku dhiman lahaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo dhacay oo uu ku tilmaamay kuwo aan la aqbali karin, isagoo eedda dusha uga tuuray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxyaabaha qaar carabkeena ma soo qaban karo ee la sameynayo, maanta annaga waan is qancin weynay waana ceeb weyn, gacanta Xasan ayay ku burburtay,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Shariif.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *