IGAD Oo Ku Baaqday Is-xakameyn Iyo In Dib Loogu Laabto Miiska Wada-hadalka

1 minute, 11 seconds Read

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweysay wadatashiyadii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka, intii u dhexeysay 13 illaa 15 May 2026.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta IGAD ee magaalada Djibouti ayaa lagu sheegay in ururku uu si dhow ula socday natiijada kulamadii wadatashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho, isla markaana uu bogaadiyay sida ay dhinacyadu u muujiyeen diyaar garowga wada hadal iyo isu soo dhowaansho siyaasadeed.

 

IGAD waxay sheegtay in wadahadallada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin xallinta khilaafaadka jira iyo dhisidda jawi siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay sii wadaan wada xaajoodyada si nabad iyo is afgarad lagu gaaro.

 

“Wadahadal joogto ah iyo ka qeybgal siyaasadeed oo waara ayaa lama huraan u ah ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda, iyo horumarinta dowladnimada,” ayaa lagu yiri bayaanka IGAD.

 

Ururku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada qaranka, dhisidda kalsoonida shacabka, iyo horumarinta hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo Soomaaliya yeelato.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *