JSP Oo Lumisay Xubin Muhiim Ah: Wasiir Hore Oo Iska Casishay”

1 minute, 30 seconds Read

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii ay ka haysay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Fardowso, oo xil muhiim ah ka haysay xisbiga isla markaana ahayd Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee JSP, ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababaha keenay go’aankeeda, hase yeeshee tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu xisbiga wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo kala daadsanaan xubno muhiim ah.

 

Sidoo kale, Fardowso Cismaan Cigaal waxay kamid tahay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhamaaday, waxaana laga soo doortay deegaannada Maamulka Puntland. Mudadii ay xilka haysay, waxay door muuqda ka ciyaartay arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka.

 

Wararku waxay sidoo kale xusayaan in Fardowso ay kamid ahayd xildhibaannadii la socday Madaxweynaha Puntland intii uu ka ambabaxayay magaalada Muqdisho, kadib wada-hadallo siyaasadeed oo fashilmay oo ka dhacay Villa Somalia. Wada-hadalladaas ayaa u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

 

Is-casilaadda Fardowso ayaa kusoo beegmeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay xubno badan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, gaar ahaan kuwa laga soo doorto dowlad-goboleedyada Jubbaland, Puntland, iyo Koonfur Galbeed, ay isaga baxayeen Xisbiga JSP. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira mustaqbalka iyo midnimada xisbiga, iyo sidoo kale saameynta uu ku yeelan karo isbeddelka siyaasadeed ee dalka.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *