Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Maamul Galmudug ayaa saacado kooban kula wareegay Gacan ku heynta magaalada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ahlusuna
War Qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda oo lagu daaacabay barta twitterka ayaa lagu xaqiijinayay la wareegida Magaalada Guriceel ee Ciidamada Dowladda
Waxaana lagu sheegay in sababtu ay tahay in amniga magaalada Gacanta Dowladda lagu soo celiyo
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen xubno maxaabiis ah oo ka tirsan kooxda ahlusuna
Majirto wali wax war ah oo sidii dagaalka u bilowday kasoo baxay kooxda ahlusuna balse waxa xusid mudan in Ciidamada Dowladda ayaa saakay iyagu weerarka bilaaabeen ayna guulo dhowr ah ka sheegteen oo ah in si nabdoon ay kula wareegeen magaalada Guriceel