Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo howlgal Wadajir ah fuliyay

0
78

Howlgallo militari oo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameed saday Xubno katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo gacantooda ka baxay deegaanka Basra.

Deegaanka Basra ayaa waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab, waxaana ay ahayd saldhigii ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay la beegsan jireen  AMISOM, Ciidanka xoogga dalka iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Hawlgalkii wadajirka ahaa ayaa waxaa fuliyay Guutada Eagle Guutada XDS, oo ay taageerayaan ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda iyo Burundi.

“AMISOM waxay diyaar u tahay inay sii wado la shaqeynta ciidamada XDS ee hoos u dhigista Al-Shabaab iyo inay la wareegto degaano badan si ay u ilaaliso dadka iyo fidinta maamulka dowladnimo,” ayuu yiri ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (DRC). Simon Mulongo, oo ka falcelinaya hawlgalkii Basra.

“Guud ahaan Soomaaliya, Al-Shabaab waxay lumisay gacan ku heynta dhul ballaaran, taasoo ka dhalatay geesinimada, naf-hurnimada iyo howlgallada wadajirka ah ee u dhexeeya ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM. Marka la eego fikraddayada howlgallada, waxaan horay u sii wadeynaa hoos u dhigista Al-Shabaab oo aan cagta saarayno,” ayuu raaciyay.

Taliyaha qeybta 5-aad ee ciidamada AMISOM, Brig Gen Télesphore Barandereka ayaa sheegay in natiijada la taaban karo ee laga gaaray dhanka ciidamada ay tahay mid ka dhalatay qorshaynta iyo fulinta wadajirka ah ee ciidamada XDS iyo sidoo kale taageerada shacabka.

Howlgalka oo socday muddo todobaad ah ayaa ku billowday ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka daba-tagay Xubno Shabaab ah oo kasoo baxay goobihii ay ku sugnaayeen, illaa magaalada Baqdaad. Ciidamada wadajirka ah ayaa ka dib ka hortagay cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Bandar Salaam, oo qiyaastii 1.5km dhanka Koonfureed kaga beegan Basra iyo Buulo Barwaaqo, oo qiyaastii 7.5km dhanka waqooyi bari kaga beegan Basra.

Degaanka Basra oo kuyaal inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye iho Balcad ayaa waxaa Saldhigyo waaweyn ku lahaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo halkaasi mararka waar kasoo weerar tegi jiray.

FB IMG 1635222310310 - Wardeeq news FB IMG 1635222306825 - Wardeeq news FB IMG 1635222301051 - Wardeeq news FB IMG 1635222303688 - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here