Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay gobolka dhexe ee Suuriya ayaa lagu dilay laba qof oo rayid ah, laguna dhaawacay toddobo qof oo kale, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah Arbacadii. Difaaca cirka ee Suuriya ayaa isku dayay in ay ka hortagaan weerarka oo ka dhacay meel ka saraysa magaalada Homs. “Weerarrada cirka ee Israa’iil ayaa lagu beegsaday qaybo ka mid ah gobolka dhexe, difaaca cirkuna waa ka jawaabayaa,” ayay tiri wakaaladda wararka ee ay dowladdu maamusho ee SANA.