Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Khasaare Geystay oo maanta ka dhacay Deegaanka daynuunaay ee gobolka Bay
Dagaalkaan oo aahaa mid xoogan ayaa waxa uu udhexeeyay xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Iyadoona wararku ay sheegayaan in Dagaalkaan kadib markii Xubno Katirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig melleteri oo Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay kula haayeen Deegaanka daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa Guulo ka Sheegtay dagaalkaan
Waxaana ay sheegeen in khasaaro xoogleh ay ku gaarsiiyeen Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed
Al-Shabaab warar ay ku baahiyaan barahooda dhinaca intermeetka waxa ay ku sheegteen in si buuxda ay ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18Km ujira magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel garka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamada DFS ay dib ugu gurteen dhanka magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegeen xubno ka tirsan ay haatan baaritaanno ka sameynaya saldhigyadii ay iskaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Ma,ahan markii ugu horeysay oo alshabab ay sheegtaan la wareegida deegaanka Daynuunaay oo dhanka Bari uga beegan magaalada beydhabo xarunta gobolka Baay.
Iyagoona dhowr jeer sidaan oo kale weero ay ku qaadeen ku sheegtay La wareegida Gacan ku heynta deegaankan