Booliiska Somaliland Oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Toogtay Magaalada Borama

0
99

Wararka aan ka heleyno magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee Somaliland waxay sheegayaan in ciidamada booliska ee ka howlgala magaaladaas ay caawa toogteen wiil dhalinyaro ah oo ku lebisnaa dharka buluuga ah ee calanka Soomaaliya.

Wiilka la toogtay oo ahaa 21-sano jir ayaa kasoo jeeday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana lagu magacaabi jiray Ibraahim Salaad Ibraahim.

Ibraahim Salaad waxuu sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ka dhiganayey Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.

Dilka wiilkaan ayaa Maqribkii ka dhacay afaafka hore ee magaalada, kadib markii ay boolisku qabteen isagoo ka soo laabtay jimicsi uu u aaday meel Dooxo ah oo banaanka ka ah magaalada, sida ay noo sheegeen ehelkiisa.

Inta aan la dilin Ibraahim waxaa la sheegay in muran kooban oo ku saabsan dharka uu ku lebisan yahay uu dhex-maray booliska iyo asaga, kadibna uu dilay mid ka mid ah askartii qabatay.

Marar badan ayey ciidamada booliska Somaliland xabsiga dhigeen dhalinyaro soo xiratay dharka u eg calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse hadda waxaa muuqata in boolisku dilayaan qofkii ay ku arkaan wax u eg calanka Soomaaliya.

Deegaanada Somaliland waxaa ka jirta caburin lagu hayo shacabka, taas oo marar badan aad loogu dhaliilay xukuumadda.

Hadii adiga oo wata dhar u eg ama ka sameysan mid ka mid ah calamada dalalka caalamka aad tagto Somaliland, maamulku kuma dhibsanayo, balse hadii laguugu arko calanka buluuga ah ee Soomaaliya, waxaa khatar geleysa naftaada, ciqaabta ugu yar oo dadka lagu qabto calanka buluuga ah ay maraana, waa xarig iyo jir-dil.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here