Ciidamada dowlada Afghanistan ayaa qorsheynaya dagaal ka dhan ah gobolada waqooyi ee wadanka kadib markii ay ka adkaadeen kooxda Taalibaan, wakaalada wararka Ruushka ee RIA ayaa soo xigatay lataliye madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani.
La taliyaha amniga qaranka Hamdullah Mohib ayaa wareysi uu siiyay isniintii RIA ku sheegay in ciidamada dowlada aysan fileynin weerarka Taliban laakiin ay “gabi ahaanba, dhab ahaantii” ay qaadi doonaan weerar celis.