Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanada Warciise, Aqab duco iyo qurac madoobe oo hoostega degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka oo is kaashanayay ayaa howlgalkaas la fuliyay ku soo qabtay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, sida uu sheegay Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro.
Afhayeenka oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in Sarkaalka lagu qabtay howlgalka Ciidamada ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaanada Warciise oo hoostega degmada Raaga-ceelle.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka socday howlgal ka dhan ahaa Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Ciidanka dowladda Federaalka iyo Shabaabka ay dhexmareen dagaalo ka dhashay khasaaro farabadan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalka uu sii socon doono, isla markaana ay sheegeen inay ku doonayaan in lagu xorreeyo deegaanada ay halkaas kaga sugan yihiin Shabaabka.