Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Khasaare kala duwan geystay oo ka Dhacay deegaanka hoostaga Degmada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose
Dagaalka ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaanka barsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose
Al-Shabaab ayaa Guulo ka sheegtay dagaalkaani
Waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Dagaalka ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda
Al-Shabaab warar ay dhinaca intarneetka ku baahiyaan Waxaa ay ku sheegteen in Dagaalkii ka dhacay deegaanka barsanguuni ay ku dileen 8 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda
Waxaana ay intaasi kudareen in askartaasi ay dileen uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo yuusuf aadan
Sidookale Al-Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalkaan ay kusoo qabsadeen 5 Qori oo noocooduyahay AK47
Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo dagaalkaan iyo qasaaraha ka dhashay