Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weeraray saldhigyo milatariga Soomaaliya ku leeyahay goboladda Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud ee Koofurta iyo Bartaha Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen saraakiilsha Amaanka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa saakay waabarigii weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada ee magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu ka dhacay dagaalka xooggiisa.
Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo weerar toos oo ay gaysteen Al Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay warbaahinta WARDEEQ NEWS ciidamada dawladda ay fashiliyeen weerarrada lagu soo qaaday Bariire iyo Awdheegle. Taliyuhu waxa uu sheegay in ay khasaare badan u gaysteen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegatay in ay ciidamo ka tirsan dawladda ku dileen weerarradaas.
Labada magaalo hada waxaa gacanta ku haaya ciidamada dawladda.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay Al-Shabaab ay weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaadeen Jannaale iyo deegaannada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.
Dhinaca kalena, baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday gawaari kolonyo ah oo ku socday Bariire iyo Awdheegle, sida ay ilo kala duwan oo magacooda qariyey ay noo sheegeen. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole.
Bartamaha Soomaaliyana, iska horimaad ayaa maanta dhexmaray ciidamada dawladda iyo Al-Shabaab tuulooyinka lagu magacaabo Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo koonfurta ka xiga magaalada Dhuusamareeb waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan qaybta 21 aad ee ciidanka xoogga dalka.
Ilaa haatan tiro koob sax ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee
Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu maanta shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdishu.