1620876072d99a8 - Wardeeq news

Deegaanada Soomaalida ayaa maanta looga ciidayaa si isku mida, ka dib markii Ummadda Muslimiinta ay soomeen soddonka maalmood ee bisha barakeysan ee Ramadan.

Sidoo kale inta badan dalalka Islaamka iyo dunida inteeda kale ayaa maanta laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga.

Madaxda Soomaalida ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda, iyagoona u rajeeyay in sanadkan kan xigga uu Alle ku gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo horumar.

Bulshada ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ayaa maalmihii ugu dambeysay waday diyaargarow ay ku soo dhaweynayaan Ciidda Soonfur.

wardeeqnews.net
Verified by MonsterInsights