Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Somaliya oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd dhismaha Wadooyinka iskuxira gobolada dalka ayaa maanta waxaa ay kala saxiixdeen heshiiska daraasaynta iyo diyaarinta dikumintiga qandaraas bixinta dhismaha waddooyinka Shirkadda AIC oo bahwadaag shaqo la ah shirkadda Dicson.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliya, Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa saxiixay heshiiskan, xilli ay munaasabadda ku sugnaayeen Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud ee Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada.
Wadooyinka lagu samaynayo daraasadaynta, loona diyaarinayo dokumintiga qandaraas bixinta ayaa kala ah:-
1. Beledweyne iyo Kalabeer
2. Samareeb (Ex Dhuusamareeb) iyo Qarandi
3. Gaalkacayo iyo Faratooyo
Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Axmed Maxamed Iimaan ayaa sheegay in mashruuca dhismaha Wadooyinka isku xira gobolada dalka uusoo maray heerar kala duwan.
Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Galmudug, Axmed Dhiblaawe Casir iyo Hirshabelle, Jaamac Xuseen Xaashi ayaa soo dhaweeyay heshiiskan.
Ugu dambeyn Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliya ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay mashruucani dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.