Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen waxay ku dhawaaqeen Qorshe ay Maxaabiis isku weydaarsan karaan Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay sii daayaan Maxaabiis ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Sudan.
Madaxa Guddiga Arrimaha Maxaabiista ee Xuutiyiinta, C/qaadir Al-Murtali oo la hadlay Telefishinka Kooxdaasi ee Al-Masiirah waxa uu tilmaamay in Kulan ka dhacay dalka Cummaan ay ku soo bandhigeen Hindisahaasi.