KUDHAWAAD 114 QOF OO LAGU DILAY DIBADBAXYADA MYANMAR OO SII XOOGAYSTAY .

0
143

In ka badan 100 ruux ayaa Sabtidii lagu dilay dalka Myanmar iyadoo booliska uu sii wado gacanta birta ah ee uu kaga hortagayo dadka u bannaabaxaya demoqoraadiyadda,
taas oo ka dhigtay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo kowdii February o markaas oo ay soo billowdeen mudaharaadyada ka dhanka ah afgambigii milatariga.

Warbaahinta ayaa ku waramaysa in dhimashada Sabtidii shalay ah ay gaadhay ugu yaraan 114 ruux, Iyadoo 29 qof oo caruur shan ahaa uu kujirayna lagu dilay magaalada wuqooyiga ku taalla ee Mandalay halka ugu yaraan 24 kalena ay ku dhinteen rabshado uu booliska ku lug lahaa oo ka dhacay magaalada Yangon.

Taliska milatariga ayaan wax jawaab ah ka bixin dadkii ciidanka amniga ay ku laayeen mudaharaadyadii Sabtidii dhacay, laakiin waxay afgambigooda ku difaaceen inuu ahaa mid ay ku diideen, natiijada doorashadii 8 November kasoo baxday, taas oo uu ku guulaystay xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi.

By:Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here