Maamulka shirkadda Facabook ayaa xannibay bartii uu Facebook-ga ku lahaa madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro kaddib markii uu shaaciyey in ay jiraan dhir lagu dawayn karo xanuunka Dunida aafeeyay ee COVID19.
Madaxweyne Maduro ayaa bishii January sheegay in sharaab laga sameeyey geedka sactarka lagu dawayn karo xanuunka korona.
Xannibaadda la saaray Maduro ayaa ah in aanu muddo bil ah wax ku qoo qori karin boggiisa. Shirkadda Facebook ayaa madaxweynaha Venezuela ku eedaysay in uu meel kaga dhacay siyaasadaheeda ku aaddan wararka been abuurka ah.
By:Jim’ale ismail