Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay qaar kamid ah Xubnaha Cusub ee Golaha Wakiilada

0
89

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dhammaan xildhibaannada golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dhawaan qabsoomtay.

Ugu horrayn xubno kamid ah xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada oo ay kamid yihiin Xildhibaan Bashiir Xuseen Xirsi oo kasoo baxay gobolka Awdal, xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaan Cabdilaahi Muuse Cabdi oo kasoo baxay gobolka Saaxil, Xildhibaan Jaamac Abbokor Dubbe oo kasoo baxay gobolka Togdheer, xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo laga soo doortay gobolka Sool iyo xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye oo kasoo baxay gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah uga mahadnaqay marti-qaadka uu madaxweynuhu u fidiyey mudaneyaasha cusub, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xildhibaanno ahaan isku duuban yihiin, kana go’an tahay danta xisbiga ay kasoo baxeen iyo danaha qaranka is waafajiyaan.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed iyo Qorshaynta iyo horumarinta, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa sharraxay shaqada muhiimka ah ee laga sugayo mudaneyaasha cusub iyo inay qabyo tiraan ee dhinacyada curinta  shuruucda kala duwan ee baahida loo qabo.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa xildhibaannada cusub ku hambalyeeyey guusha ay gaareen, waxana uu ka codsaday inay cududdooda isugu geeyaan sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada, taas oo noqon karta guul kale uu xisbigu gaaray.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhinaciisa si waafi ah ula dardaarmay xildhibaannada.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha cusub ee golaha wakiillada xisbiga KULMIYE dardaaran iyo  hogo-tusaalayn u jeediyey, waxana uu xubnaha cusub usoo jeediyey inay midnimada dhexdooda ilaaliyaan, kana shaqeeyaan danta deegaannadii laga soo doortay iyo danta guud ee kale.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin,  dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay  adkayd dalkan wax ka qabtay, Barasaabkii ugu horreeyey ee 1991kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yiri buu ahaa,  Toddobadii shir ee Barri lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here