Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxkamadeynta Rag loo heysto soo dhoofinta Agabyada Qaraxyada oo bilaabaneysa

Maxkamadeynta Rag loo heysto soo dhoofinta Agabyada Qaraxyada oo bilaabaneysa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabeysa dhageysiga Dacwad ka dhan ah ah Rag loo haysto soo dhoofinta Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska xeer Ilaalinta Maxkamadda uu dhinac ka yahay Garmaqalka Dacwad ka dhanKA ah ah Raggaas.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in hay’addaha amniga dowladda Federaalka ay ku guuleysteen inay ka hortegayaan 13 Container (Kuntaynar) oo ah Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada oo laga soo dejin lahaa Dekadda Muqdisho.

“Maxkamadda Ciidamada ayaa dhageysanayso Dacwad ka dhan ah Rag loo haysto soo dhoofinta Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo dhinac ka ah Garmaqalkan ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga ku guulaysteen ka hor tagga 13 Container (Kuntaynar) oo laga dajin lahaa Dekadda Muqdisho” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay Maxkamadda.

Ma shaacin Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waqtiga ay bilaabeyso dhageysiga Dacwada ka dhanka ah Ragga loo haysto soo dhoofinta Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada oo laga soo dejin lahaa Dekadda Magaalada Muqdisho

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...