Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire ayaa bandhig aad u hooseeya soo bandhigay kulammadii ugu dambeeyey ee kooxda, isagoo dhaleeceyn xooggan la kulmay marka loo eego qaab difaacashadiisa.
Maguire ayaa sidaas oo ay tahay intii uu jiray ciyaaraha caalamiga ah, waxa uu xulkiisa qaranka England u dhaliyey goolal, balse dabaaldeggii uu sameeyey kulankii uu xulka saddexda Libaax 5-0 uga adkaaday Albania ayuu dhaleeceyn kala kulmay kabtantii hore ee Man United, Roy Keane.
Daafacan dhexe ayaa Keane ku eedeeyey inuu qaab ciyaareed liita ku soo badhigay Man United, isla markaana laga fiican yahay inuu u dabaal-dego oo uu dhegaha qabsado markii uu gool u dhaliyey xulkiisa England.
Yeelkeede, waxaa la la isla dhexmarayey in calaamadda hoggaaminta ee Kooxda Manchester United laga qaadi karo Harry Maguire, laakiin macallinka Man United ee Ole waxa uu sheegay inuusan ka fikireynin inuu kabtannimada ka qaado Maguire inkastoo uu qaab ciyaareed hooseeya soo bandhigay, waxaana uu xusay inuu sii haysan doono calaamadda kabtannimo.
“Maya, anigu kama fikirayo inaan calaamadda kabtannimo ka qaado isaga” ayuu yiri Solskjaer uu u waramayay website-ka rasmiga ah ee kooxda Manchester United, mar wax laga weydiiyey haddii calaamadda shumadda uu ka qaadayo Harry.