Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii ay ka haysay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Fardowso, oo xil muhiim ah ka haysay xisbiga isla markaana ahayd Xoghayaha Batroolka […]
