Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay ka doodaan muranka ba’an ee gobolka ka taagan biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhistay biya-mareenka weyn ee wabiga Niil.
Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) waa isha ay ka soo baxdo is-maandhaafka diblomaasiyadeed ee tobanka sano ku dhow u dhexeeyey Itoobiya iyo waddamada Masar iyo Suudaan. Itoobiya waxay sheegaysaa in mashruucu muhiim u yahay horumarintiisa, laakiin dawladaha Qaahira iyo Khartuum waxay ka baqayaan inuu xaddido helitaanka biyaha muwaadiniintooda.