Canab Suboow Guure, oo ah xildhibaan laga soo doortay Garissa ayaa sawirkeedu abuuray hadal hayn wayn kadib markii ay soo bandhigtay ilaaladeeda wada dumarka ah.
Arrinta kale ee dadka soo jiidatay waxay ahayd in gabadhaha ilaalada u ah Canab ay si buuxda ugu asturan yihiin xijaabka Islaamka, ayna hubaysan yihiin.
Labo gabdhood oo la sheegay in ay yihiin ilaaladeeda khaaska ah ayaa sidoo kale sita gasnadaha rasaasta iyo qoryo.