Friday, May 10, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka Chelsea oo talaabo u qaadday saxiixay Robert Lewandowski…(Intee wax u marayaan Blues?)

Chelsea oo talaabo u qaadday saxiixay Robert Lewandowski…(Intee wax u marayaan Blues?)

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dadaalkeeda isugu geeyneysa sidii ay xagaagan ku heli lahayd saxiix wax ku ool ah iyadoo haatan xoogga saareysa saxiixa laacibka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski xagaagan.

Iyadoo Thomas Tuchel baadi goob ba’an uu ugu jiro saxiixa weeraryahan halis ah, ayay Blues xiriir la sameysay Lewy si ay kaga dhaadhiciso inuu usoo dhaqaaqo London.

Kabtanka xulka qaranka Polan ayaa noqday weeraryahankii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyay Chelsea kaddib bandhigga liita ee Timo Werner, waxaana horraan lala xiriiriyay xiddiga Inter Milan ee Romelu Lukaku iyo Borussia Dortmund laacibkeeda Erling Haaland.

Si kastaba ha ahaatee, warsidaha Sky Sports Germany ayaa sheegay inay kooxda Ingiriiska ka dhisan u dhowaaqday Lewandowski iyagoo ugu yeeray inuu dhankooda kusoo biiro, hase ahaatee, waxaanan jirin wada hadallo toos ah oo dhex maray labada dhinac.

Wargeyska ayaa sidoo kale intaas ku daray inay Chelsea wajihi doonto loollan adag maadaama uu laacibkan diiradda u saaran yahay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Barcelona.

32-sano jirkan ayaa dhaliyay 47 gool kaddib 39 ciyaarood oo uu u saftay Bavarians xilli ciyaareedkan waxaana uu ku jiraa qaab ciyaareedkiisii ugu sarreeyay taasoo keentay inay xiiso u muujiyaan qaar ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub.

RELATED ARTICLES

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka-Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada...

Howlgal Isbaarooyin Lagu Qaaday Oo Laga Fuliyay Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Cadale

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia...