Xiisad kacsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Berdaale, kaddib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, oo ka yimid gobolka Gedo ay ku sii siqayaan aagaas.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo militari oo ballaaran laga dareemayo duleedka Berdaale, halkaas oo la rumeysan yahay in ciidamadaasi ay doonayaan inay ku muujiyaan awoodooda xilli ay sheegeen inay duulaan ku yihiin magaalada Baydhabo. Sidoo kale, ciidamada dowladda ee dhawaan laga diray magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay dareemayaan culeys iyo walaac sii kordhaya, maadaama ay wajahayaan xaalad aan weli caddayn jihadeeda.
Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in jawiga guud uu yahay mid aad u kacsan, iyadoo shacabka ay ka muujinayaan cabsi la xiriirta suurtagalnimada isku dhacyo ka dhaca halkaas. Dhaqdhaqaaqyada labada dhinac ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta, iyadoo la dareemayo hub uruursi iyo diyaar garow militari.
Inkasta oo aysan jirin wax dagaal ah oo si rasmi ah u qarxay illaa hadda, haddana xaaladda ayaa u muuqata mid khatar ku sii siqeysa, haddii aan la helin xal degdeg ah oo dejin kara xiisadda. Indhaha ayaa hadda ku wajahan sida ay xaaladdu isu beddeli doonto saacadaha iyo maalmaha soo socda.
