Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Britain oo Diyaaraddiisii laga Celiyay Soomaaliya

1 minute, 33 seconds Read

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawadeeda ka celisay diyaarad gaar ah oo sidday xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha dalka Ingiriiska (UK), taas oo qorsheynaysay inay ka degto magaalada Hargeysa.

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, diyaaradda ayaa markii hore lagu amray inay ka baxdo hawada Soomaaliya, iyadoo loo weeciyay dhanka dalka Jabuuti. Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda ay saacado ku dul wareegtay hawada Jabuuti, ka hor inta aanay ugu dambeyn helin oggolaansho ay ugu gudubto kuna degto magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

 

Ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in tallaabadan ay la xiriirtay xaalad feejignaan amni oo sare oo ay gashay dowladda Soomaaliya, kaddib warar la xiriiray suurtagalnimada in hoggaamiye sare oo ka socda Taiwan uu safar qarsoodi ah ku tago Somaliland. Madaxweynaha Taiwan ayaa xilligan ku sugan dalka Eswatini, taas oo sare u qaadday shakiga la xiriira dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo aan si rasmi ah loo shaacin.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda xiriir kasta oo toos ah oo dhex mara Somaliland iyo dowlado shisheeye, gaar ahaan kuwa aan aqoonsaneyn midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Arrintan ayaa loo arkaa mid xasaasi ah oo saameyn ku leh siyaasadda dibadda iyo midnimada dalka.

 

Ilaa hadda, lama shaacin magaca rasmiga ah ee mas’uulka saarnaa diyaaradda, sidoo kalena Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *