Muqdisho oo Heegan Gashay: Dowladda oo Ciidamo Culus Dhigtay Waddooyinka & Cabsi Dagaal oo Soo Korortay

1 minute, 13 seconds Read

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo farabadan ku daabushay qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo tallaabadaasi si weyn looga dareemay guud ahaan caasimadda.

 

Ciidamo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkayay waddada xiriirisa Isgoysyada Soobe iyo Lambar Afar, halkaasi oo ay ka wadeen baaritaanno adag oo lagu sameynayay gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

 

Goob-joogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in ciidamada ay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka, islamarkaana ay jireen baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayay dadka iyo gaadiidka maraya waddooyinka muhiimka ah.

 

Warar aan ka helnay ilo amni ayaa sheegaya in tallaabadaan ay la xiriirto cabsi dowladda ka qabto abaabul ay wadaan siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaasi oo la sheegay inay qorsheynayaan dhaqdhaqaaqyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka iyo muddo kororsiga lagu eedeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamay in hay’adaha ammaanka ay heleen warbixino ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay mucaaradku ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo salka ku haya muranka siyaasadeed ee ka taagan jihada doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *