Ciidamada Dowladda Oo Wajahaya Xiisad: Saraakiil La Xiray & Kuwo La Baadi-

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad xooggan ay ka dhex aloosan tahay hay’adaha ammaanka dowladda, kadib markii saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya la xiray iyadoo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda muddo kororsiga lagu eedeeyay madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaar kamid ah saraakiisha la qabtay aan ilaa hadda la ogeyn halka lagu hayo, arrintaas oo sare u qaaday walaaca ku saabsan xaaladdooda iyo habka loo wajahayo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

Sidoo kale, dowladda waqtigeedu dhammaaday ayaa lagu warramayaa inay isbeddel weyn ku sameysay saraakiishii ku sugneyd madaxtooyada, iyadoo lagu bedelay xubno cusub oo si dhow ugu dhow Xasan Sheekh Maxamuud, tallaabadaas oo mucaaradku ku tilmaamay mid lagu adkeynayo gacan ku heynta hay’adaha ammaanka xilli siyaasadda dalka ay kacsan tahay.

 

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jirto cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho ciidamada dowladda, islamarkaana uu horseedo kala qeybsanaan horleh oo dhanka ammaanka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top