Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay habka maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u maamulayo ciidamada qalabka sida, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay kala qaybin ku hayso hay’adaha amniga isla markaana ay dhinac marayso saraakiil khibrad iyo aqoon ciidan leh.
Qoraal uu xildhibaanku soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay “madaxweynihii hore ee muddo xileedkiisu dhammaaday”, uu isku dayayo inuu awoodda sii haysto isagoo adeegsanaya taageero ciidan iyo isbeddello lagu sameynayo hoggaanka ciidamada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku andacooday in saraakiil badan oo waaya-arag ah laga reebay xilalka muhiimka ah, halka boosaskooda loo magacaabayo shaqsiyaad rayid ah oo aan lahayn taariikh ciidan ama saraakiil si degdeg ah loo dallacsiiyay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka la dallacsiinayo lagu xushay xiriir qoys, xigto, iyo daacadnimo shaqsiyeed oo ay u hayaan madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
“Shakhsiyaadka la dallacsiiyey waxaa inta badan lagu xushay xiriir qoys iyo xigto ay la yihiin Xasan ama Xamza, iyo daacadnimo kiraysan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
