Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u diiddan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa sharciyadda iyo jiritaanka dowladda Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay tallaabada uu qaaday maamulka waqooyi-galbeed ee Somaliland, taas oo ku saabsan furitaanka waxa loogu yeeray “safaarad” laga hirgeliyey magaalada Quddus.
Dowladdu waxay sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci-darro ah oo aan wax saameyn sharciyeed ah lahayn, isla markaana si toos ah uga hor imaanaysa mabaa’diida sharciyada caalamiga ah iyo go’aannada hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya arrinta Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaantay in tallaabadan ay tahay fal kicin iyo xasaasiyad ku abuuri kara dunida Carabta iyo Islaamka, iyadoo xustay in mowqifka Soomaaliya uu weli ku dhisan yahay ilaalinta qaranimada dalka iyo ixtiraamka sharciyada caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan falal dhaawacaya midnimada iyo sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
