Dowladda oo Caawa Gacanta ku Dhigtay Sarkaal Lagu Tuhunsan Yahay Xiriir Mucaarad

1 minute, 14 seconds Read

Caawa waxaa magaalada Muqdisho laga soo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xirtay Ibraahim Sheikhaal, oo ahaa Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Banaadir.

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, sarkaalkaan ayaa laga kaxeeyay gurigiisa xilli habeen ah, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysa xariggiisa. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in arrintan lala xiriirinayo tuhun ku saabsan inuu xiriiro la leeyahay xubno ka tirsan mucaaradka dowladda.

 

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in tuhunnada lagu hayo sarkaalkaan ay la xiriiraan dhaqdhaqaaqyo la sheegay inay mucaaradku qorsheynayaan, kuwaas oo lagu beegsanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, 15-ka bishan markii uu dhamaado muddo xileedka Dowladda.

 

Ilaa iyo hadda, hay’adaha ammaanka dowladda ma aysan soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo muujinaya eedaha loo jeedinayo Ibraahim Sheikhaal, taas oo dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan sababaha dhabta ah ee xariggiisa.

 

Waxaa sidoo kale isa soo taraya wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay qaado tallaabooyin ka dhan ah saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin mucaaradka,

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *