Dibudhca doorashooyinkeenu waxay bar madaw ku noqdeen hanaqaadka dimuqraadiyadda Soomaliland, kalsoonida u dhaxaysa shacabka iyo dawladda, qaddarinta sharciga, iyo hufnaanta dawladnimadeena. Hase yeeshee, dibudhac walba waa suurtagal in loo rogo horumar; haddii weeye, dersi laga qaato, waxna la iska weydiiyo sababta keentay. Inkasta oo su’aal laga keeni karo sidaynu marwalba duruus uga qaadano guuldarooyinka inna soo mara haddana, yididiilo mid ah oo aan ku arkay doorashooyinka soo foodleh ayaa ah; in dadku waayahan su’aalo iska weydinayo murashaxiinta ay dooranayaan tayodooda, xilkasnimadooda, iyo aqoontooda. Taas oo noqonaysa tallaabo xagga horumarka loo qaaday.
Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku berri bay dhacaysaa iyaga oo Wakiiladu 10 sannadood yahiin muddodhaaf tan iyo markii la doortay. Doorashada Golaha degaanka ayaa iyana ahayd inay qabsoonto muddo saddex sanadood ka badan laga joogo. Intaa waxa sii dheer Madaxweynayaashii Muse Biixi ka horeeyey oo kuligood loo kordhiyey muddadii loo doortay xilka, markii doorashadii dibudhac ku yimi.
In doorashooyinka wakthtigooda ku dhiciwaayaan waxay ka turjumaysaa in aynaan sharcigi sidiisa u raacin oo aynu marwalba ku wadno arrimaheena, la jiifiyaana bannaan. Dimuqraadiyad hanqaadaa kama marmayso in sharciga sarayntisa la wada maamuuso, xeerka umaddu dhigatyna sidiisa loo raaco. Taasna muhim waxaa u ah in dalku yeelsho maxkamado madaxbanaan oo ku ilaaliya bulshada, sharciga, mid sare iyo mid hooseba. Keli ah, marka dadweynahu ku qancaan dhexdhexaadnimada garsoorka ayey dimuqraadiyadeenu xididdo xoogan yeelan kartaa. Doorashooyin aan lahayn xeerbeegti adagi, waxay la mid noqonayaan kubad sidhiwalaha dhinac keensaday. Inta taasi jirtona, shakiga ah, in kolba xukuumadaa magacawday uu garsoorku u habrado weligii biximaayo. Hadda, wakhtigiibaa baa la joogaa la dhisilahaa garsoorkeena xagga madaxbanaanidooda, dhaqaalahooda, iyo tayadoodaba.
.
Doorashooyinkeena hadda soo gelayaa waa u muhim Somaliland, haddii ay u dhacaan si nabad ah oo xalaal iyo xor ah. Shaki la’aan sumcadda dalka sare ayey in badan u qaadayaan. Waxay kale oo tusaale u noqonayaan hanaqaadka dimuqraadiyadda Somaliland. Golaheena wakiilada, waxa 82 kursi ugu tartamaya 246 murashax, degaankana, 552 qof ayaa u tartamaya 220 kursi. Hal malyuun oo qof in ka badan ayaa isdiiwaangeliyey si ay u codeeyaan doorashooyinkan isku sidkan, oo markii ugu horaysay ka qabsoomaya Somaliland.
Golaha Wakiilada waxaa sannadkan u tartamya 13 haween ah kadib markii labada Gole ee xeerdejintu ka horyimaadeen in kooto loo xidho dumarka u tartamaya doorashooyinka. Tiradadaasi way ka yartay intii xisbiyadu ay haweenka u balanqaadeen oo ahayd; in saddexda xisbi mid waliba, 6 dumar ah soo sharaxo, (UCID uun baa gaadhay halkaa) haseyeeshee, waa dhaantaa hadii ay guulaystaan (inkasta oo ay adagtahay) sidii hore oo qof dumar oo keli ahi ku cidlaysnayd Golaha Wakiilada. Waa inoo ayaandarro in haweenka oo dadka inta doorashada ka codaysa ugu badan, dhaqaalo u ururinta iyo abaabulkana door weyn ka qaata, haddana lagaga masuugo ka qaybgalka talada dalka oo ay baahiyaha kala jaadka ah ee bulshadeena ka jira, in badan ragga uga xogogaal sanyahiin. Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2017, haweenka waxaa iska soo sharaxay 172, toban ka mid ahna waa la doortay. Doorashadan hoos buu aad ugu dhaceen tirada murashaxiintoodu oo waa 15, Golaha waxiiladana waxaa u taagan 13 dumar ah.
Waa maragmaddoon, in haddii doorshooyinkeenu ku dhici lahaayeen wakhtigoodii, hurmarkeenu intan dhaami lahaa. Sababaha looga ilaaliyo muddodhaafka xilalka waxaa ka mid ah; iyada dadka qaar xilka macaansadaan, si ay dano shakhsi uga faa’iidaystaan, taas oo sababta in fikir cusub oo hurumar keena dhalanwaayo, iyo iyada oo ay abuurmaan kooxo ka soo horjeeda himilooyinka shacabka.
Horumarka iyo dibudhaca ummad ku yimaadaa waa arrin ku xidhan kolba halka dedaalkeedu gaadhsiisan yahay. Inaynu ururinta cashuuraheena sare u qaadno, loona ilaaliyo dadka, waa mid innaga inoo taal. In muwaadiniintu sharciga u sinnaato oo qof waliba meelsha ugu habboon ee uu tartan ku helona loo hibeeyo waa mid aynu iyana awoodno. Talaabooyinkan dhawrka ahi hadday israacaan dhaxalkoodu waa: miisaaniyad kobocda, shaqaalahaha oo mushaharkoodu kordho, aqoonta oo badata, iyo adeegyada kale leh ee caafimaad iyo biyoba leh oo siyaada.
Dhinaca kale, dalka aan cashuur ururin inta soo gashana loo tashado, faqri ka ma baxo, mushaharka ayaa yaraada amma aan korin, laaluushka iyo musuqa ayaa xadhko-goosta, jahliga ayaa kobca, cudarrada ayaa faafa, adeega kala jaadka ah ee bulshada loo qabtona la ma helo. Halbeega Qaramada Midoobay ee Horumarka Aadamaha (HQMH), ee lagu qiyaaso tirada hoyada umulraacda, cimri-dhererka bulshada, heerka tacaliinta iyo dakhliga qofka, gayigeena waxuu ka mid yahay dalalka aduunka meelaha ugu hoseeya kaga jira.
HQMH halbeegeeda waxa dheer in musuqamaasuqa dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey (oo Xagga Qaramada Midoobay aynu ku jiro) halka ugu hoosaysa ka galo aduunka sannad walba, sida ay qorto hay’ada ‘Transparency International’. Dibudhacaasi waa wax aynu inagu isugu wacan nahay oo haddii shaqada dawladeena iyo golayaashu hagaagto, gebi ahaanba laga bixi karo. Dawlado badan baa sare u qaaday dhaqaalahooda markay hagaajiyeen xilkasnimada hay’adahooda qaranka u adeega
Golayaashu maxay qaban?
Xildhibaanadeena Golaha Wakiillada iyo Degaanka waxa marka hore ku waajib ah inay si fiican u bartaan inta hawlood ee u taalla ee sharcigu ku waajibiyey inay gutaan, si ay dadkooda ugu adeegaan. Marka qofku si fiican u garanayo waxa waajibaadkiisu yahay uun buu gudan karaa hawlsha uu dhaarta u maray inuu fuliyo.
Golayaasha deegaanka waajibaadkooda ugu mudani waa inay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh degaamadooda hormumar uga sameeyaan dhinacyada caafimaadka, waxbarshada, biyaha, laydhka iyo nadaafadda guud. Intaasiba waxay soo gelayaan halbeega horumarka aadamaha. Hadaba, si baahiyahaa wax looga qabto, waa daruuri in loo baahan yahay qorshe-hawleed la samaysto oo ku salysan lix bilood amma sannadba.
Muhiim weeye in loo kala qaado hawlaha siday ugu kala muhiimsan yahiin bulshada degaanka. Qorshe halbeegyo leh waxuu dardargeliyaa awoodaha xubnaha golaha deegaanka iyo shacabka ay metelaanba, waxay kale oo ay dhisaysaa kalsoonida ummadda ay khusayso oo dhan. Magaalooyinkeenu, in kasta oo ay is dhaamaan, inta badan, khaasatan caasimadda Hargeysa, qashin baa buuxdhaafiyey. Waa aynnu maarayn kari la’ nahay arrinkaa fayadhawrka bulshada halista ku ah.
Qof walba oo Hargeysa ku nool oo dooxa ka talaaba, araga qashin xaddigaa leh oo maalin kasta lagu soo daadinayo biyamareenka ceelasheena ayaa naxdin iyo niyadjab joogto ah ku haya. Waxaynu beryahan danbe arkaynay, wakhtigii roobabka, daadad ka dhashay kadib markii biyomareenada la dhistay oo ku soo jabay guryaha, halis maal iyo nafeedna keenay. Magaalo in si fiican loo degaanaado ka ma maarmayso qorshe loo dejiyo oo lagu jaangooyo hadba baahiyaha jira iyo kuwa mustaqbalka. Hadda, Hargeysa iyo magalooyinka kaleba waa muhiim in loo sameeyo qorshesare (masterplan) dhamaystiran oo laga fuliyo dhinacyada magaalooyinku u korayaan. Goldaloolooyinka jira maarayntooda waa qaar sugaya dhallinyarada dhiiga cusub ee hamiga iyo himilooyinka dheer leh, ee aynu filayno inay ku guulaystaan doorashada Golayaasha Deegaanka ee berri
Xubnaha Golaha Wakiilada soo socda waajibaadka horyaallaa ma yara iyanna. Ta ugu horaysa ee looga fadhiyo waa inay ogaadaan in ay shacabka Soomaliland metelaan danahooda, oo ay taas ka midaysanaadaan. Iyada oo la ogsoon yahay in xubnaha Golaha Wakiiladu ka soo kala jeedaan xisbiyo, haddana barlamaanka wanaagsani danaha guud waa ka midaysan yahay, waxaana uu go’aamada badan ku gooyaa si aan dhinacna u xaglinayn (bi-partisan)
Mas’uuliyad weyn baa Golaha Wakiilada ka saaran siday u korjoogtayn lahaayeen dawladda; haday noqonayso ansixinta Wasiirrada, Wasiir ku-geennada, madaxda hay’adaha dawlada. Taasi waxay ku tusaysaa in waajibaadka Golaha Wakiilada saaran ka mid tahay in ay diidaan ansixinta qof aanay u arkin in uu u qalmo xilkaas ama gudan karo. Golahu door muhiim ah ayey ku leh yahiin ansixinta heshiisyada xukuumaddu la gasho dawlado ama hay’ado kale, kuna saabsan xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabadgeliyada. Masuuliyadda ay u dhaarteen baa ka saran in aanay ansixin arrin ay u arkaan in aan dadka iyo dalka dani ugu jirin.
Waajibaadka ugu se weyn ee Golaha Wakiiladu leh yahay waxaa iyana kamid ah ansixinta miisaaniyadda oo markay ka doodaan ay wax-ka-bedel ku samayn karaan sida danta guud ku jirta. Maadaama Golahu ka wakiil yahay dadweynaha waxaa masuuliyad weyn ka saaran tahay inay u korjoogteeyaan siday u baxayso cashuurta bulshoweynta Soomaliland laga soo ururiyo. Maamul-wanaaggu ka ma soo hadho, isu-dheelitirka saddexda qaybood ee dawladnimo: Xukumadda, Garsoorka iyo Xeerdejinta. Kala madaxbanaanidoodu waa calaamad ka wada muuqata dawladaha ku guulaystay suulinta musuqmaasuqa raagaadiya horumarka ummado badan.
Si Maddax tayo leh loo helo, malahayga waxaa habboon in murashaxiinta xulkooda loo dabafadhiisto xisbiyada si ay liisto xidhan (closed list) iyagu u soo saaraan. Hadda, labo shay oo isburinaya ayeynu rabnaa in aynu isku mar wada samaynno; dhinacna qabiilka iyo cadiifadihiisa ayaa kobcaya marka doorashadu noqoto mid gunteedu ku fadhido reernimo, dhinacna waxaynu doonaynaa in aynu dhisno qaran iskuduuban oo xildhibaanadu metelaan gobolo iyo dad kala beelo ah.
Juhdiga wacyigelineed ummadaha dimuqraadiga ahi geliyaan dheerigelinta wadajirkooda iyo iskuduubnida dadkooda waa mid noloshooda oo dhan ku taxan, laga bilaabo xannaanada caruurta ilaa dugsiyada iyo jaamacadaha. Taas iyo sharciga oo dadka si siman ugu adeega ayaa keenta in aanay bulshadu marwalba isu qaban si isir ku lug leh. Waxgararadka iyo siyaasiyiinteena ayaa looga baahan yahay in ay ka fikiraan nidaam doorasho oo dadkeenaa isku isir iyo diinba ah ka ilaalin kara waxii kala fogaynaya. Nidaamka dawladnimo mid hawl yar maaha, waase mid u baahan marwalba ra’yi cusub iyo isbedelo isdabjooga..
Demoqraadiyadeenu waa hab inoo saamaxaya in bulshadu markii wakhti la joogaba u doorato hogaaminta dalka, dadka ay u garto. Ma aha nidaam quruunina si gooni ah u sheegan karto, qolowalibana sida ka turjumaysa dhaqankooda iyo caqidadooda ayay ugu hirgeliyaan dimuqraadiyadda dhulkooda. Inkasta oo dad badani u haystaan in dimuqraadiyadda Maryakan leeyahay, kumanaan sannadood kahor bay Griig ka bilaabantay. Xataa kelmeda Dimuqradiyad ayaa ka soo jeeda ‘Demos’ oo afka Griiga ku ah muwaadin iyo ‘Kratos’ oo ah awood. Awoodaa muwaadinku leeyahay inuu doorto qofkuu doonaa waxay bulashadeena u keentay degenaasho aan qofna awood kelitalisnimo ku maroorsan xukunka oo iyana dhasha nabad iyo horumar. Dhaqanka Soomaliyeed ee soojireenka ah ma soo marin boqortooyo cabudhisaa. Weligeenba xor baynu u ahayn fikirkeena marka loo eego dalal badan oo waaweyn ooh hadda ku dhaqma dimuqraadiyadda .
Marwalba waajibkeenu ha noqdo sidii nabad loogu codayn lahaa, laysagu dulqaadan lahaa, sharcigana loo adkayn lahaa. Waxaa hubaal ah in haddii dorashooyin kani ku dhacaan jawi degan oo xasiloon ay sharaf u keenayaan iska daa Somaliland e, Geeska Afrika iyo qaaradda inteeda kaleba.