Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar sheegayay in la eryay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin warar been abuur ah oo ku faafay warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in go’aan laga gaaray safiirka Imaaraadka.
Wasaaraddu waxay si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu wiiqo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dalalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada inay muujiyaan masuuliyad, hubiyaan saxnaanta wararka, islamarkaana ku tiirsanaadaan ilo rasmi ah si looga hortago faafinta warar marin habaabin ah.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay digniin ka bixisay faafinta warar been abuur ah oo dhaawici kara xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Carabta.
