Wakiilka Joogtada ee Dowladda Qatar u fadhida Xarunta QM ee magaalladda ew York, Ambassador Sheekha Calya Axmed Bin Sayf Al-thaani ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shir loogu magac daray Toddobaadkii QM ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.
Waxay carrabka ku dhuftay inay Dowladda Qatar had iyo jeer saaxiib Caalami oo lagu kalsoonaan karo u ahaanayso Somalia, isla markaana ka taageeraan Siyaasadda iyo dhinacyo kale oo ay ku jiraan Taageero Milliteri, Xoointa qeybta mmaanka iyo Xaqiijinta Awooda ay leeyihiin inay iska difaacaan wax kasta oo khatar ku ah.
Ambassador Sheekha Calya Axmed Bin Sayf Al-thaani waxay carrabka ku dhufatay in Deeqda Qatar ee Somalia diirada ku saaraan dadweynaha iyo Taageeradda iyo Maalgashiga horumarineed, Waxbarasada, Fursadaha shaqo iyo sidii Somalia looga taageeri lahaa Deganaanshaha iyo Barwaaqada, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Waxay kaloo tilmaamtay inay jiraan Fulinta Barnaamijyo lagu taageerayo Kumanaan Dhallinyaro Qaxooti, Barakacayaal iyo kiwi dib ugu soo laabanayo Somalia, lana baro Xirfado ay ku shaqeysan karaan.