Xalane oo Noqotay Xarunta Is Afgaradka Siyaasadeed, Dhinacyada oo isu Soo Dhawaaday

1 minute, 9 seconds Read

Wada-hadallada ka socda xerada Xalane ayaa galay marxalad xasaasi ah kadib kulan galabta dhexmaray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu yeeshay dood adag iyo is mari-waa qaatay saacado badan.

 

Sida ay ogaatay wardeeq news wakiillada beesha caalamka ayaa si toos ah ugu lug yeeshay kulanka, iyagoo isku dayay inay labada dhinac ku riixaan tanaasul iyo isu soo dhowaansho ku saabsan qodobada la isku hayo.

 

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaar kamid ah qodobadii muranka dhaliyay laga gaaray is faham hordhac ah, inkastoo wali ay jiraan arrimo waaweyn oo aan xal kama dambeys ah laga gaarin. Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in aan warbaahinta loo gudbin xogta gudaha ee wada-hadallada inta ay socdaan.

 

Ilo xog ogaal ah oo labada dhinac ah ayaa wardeeq news u sheegay inay muuqato rajo laga qabo horumar siyaasadeed, balse aysan hadda diyaar u ahayn inay bixiyaan faahfaahin dheeraad ah.

 

Kulamo kale ayaa lagu wadaa in ay sii socdaan maanta duhurkii, iyadoo la filayo in wada-hadalladu qaataan laba illaa saddex saacadood.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *